Dagaal dhexmaray Soomaalida iyo Oromada

dagaalka soomaalida iyo oromada

Jigjiga (Aftahannews)- Magaalada Gurra dhaamoole ee gobalka Liiban ee dowlad degaanka Soomaalida, ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada, sida goob joogayaal ay u xaqiijiyaan Warbaahinta.

Dagaalkan, ayaa billowday kaddib markii ay degmada Gurra dhaamoole ay soo weerareen meleeshiyaad hubaysan oo ka yimid dhinaca degaanka Oromiya, iyagoo degmada dhawr jiho ka soo weeraray.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa jirta, inkastoon wali aan la kala ogaan khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan ka dhashay.

Mid kamid ah Ugaasyada ka soo jeeda gobolka Liibaan oo Warbaahinta la hadlay, ayaa weerarkan ku eedeeyay Maleeshiyaadka degaanka Oromiya, waxa kale oo uu sheegay in Oromadu ayna dhab ka ahayn dadaalladii nabadeynta ee laga dhex waday labada shacab waa Soomaalida iyo Canfarta.

Degmada Gurra dhaamoole, ayaa dhawr jeer waxaa ku dagaallamay Soomaalida iyo Oromada, inkastoo marar badan la isku dayay in xal nabadeed lagu dhammeeyo arrintan, haddana may noqon mid joojisa dagaalladan soo noqnoqonaya.

Maamullada Soomaalida iyo Oromada ayaan wali ka hadlin dhacdadan maanta ka dhacdey degmada Gurra dhaamoole ee dowlad degaanka Soomaalida.