Komishanka Tamarta: “Korantada ku jirta Suuqa Waaheen ma waafaqsana sharciga”

Hargeysa (Aftahannews)- Komishanka Tamarta, masuuliyiinta maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo wakiillo ka socday Shirkadda bixiya adeegga koranta caasimada, ayaa kulan ay yeesheen kaga wada hadlay sugida badqabka korantada qaybaha ka hadhay suuqii Waaheen ee gubtay, gaar ahaan korantada la raaciyey xadhkaha sida qaab darrada ah loo xidhay.

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Axmed Faarax Cadare oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in qaabka loo xidhay Korantada suuqaasi ku jirtay aanay waafaqsanayn sharciga u degsan ilaalinta bad-qabka adeegga korantada.