Hadal hayn ka dhalatay hadal ka soo yeedhay Marwada Madaxweynaha Kenya

Nairobi (Aftahannews)- Qaar ka mid ah shacabka dalka Kenya, ayaa dhaleeceeyay qorshaha ay marwada koowaad Rachel Ruto, ku martigelineyso kulamo duco ah oo bil kasta ah oo lagu qabto madaxtooyada Kenya.

Axaddii, waxaa kulan loogu qabtay mataxyooda dalka Kenya ku dhawaad tobaneeyo hoggaamiya diimeed ah.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa, ayaa ah Masiixiyiin aaminsan Evangelical , waxaana madaxweyne William Ruto uu ku tilmaamay in iimaankiisa uu door muhiim ah ka qaatay guushiisa doorashada.

Mrs Ruto, ayaa u sheegtay hogaamiyayaasha diinta in mar walba lagu soo dhaweyn doono aqalka madaxtooyada. “Albaabada Aqalka Dawladdu way furan yihiin oo ogow in ay halkan idin joogto hooyo Rachel ayna had iyo jeer albaabada kuu furi doonto marka madaxweynuhu mashquulo,” ayay tidhi.

Balse qaar ka mid ah dadka u dhashay Kenya, ayaa qaba in kulamada salaadda ee caadiga ah aanan lagu qabanin madaxtooyada maadaama Kenya ay tahay dowlad cilmaani ah, diimahana aan la kala dooran.

“Haddii madaxweyne Muslim ah uu sameeyo waxa ay Masiixiyiinta ka sameynayaan Aqalka Madaxtooyada hadda, waxaa dalka oo dhan ka dhici lahaa mudaaharaadyo. Annagu waxaan nahay dowlad cilmaani ah, diinna kama hormaro cid kale,” ayuu yidhi mid ah shacabka reer Kenya ee isticmaala barta Twitter-ka.