Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Taleefan kula hadlay hoggaamiyaasha howlgalada ka wada Hiiraan iyo Galgaduud

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo kuwa deegaanka ee hoggaaminaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ra’iisal wasaaraha, ayaa wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ku boggaadiyay doorkooda hoggaamineed ee dagaalada dalka looga xureynayo Al-shabaabi

Masuuliyiinta furumaha dagaalka ku sugneyd ee uu Ra’iisal waaaare Xamse taleefanka kula hadlay waxaa ka mid ahaa wsiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, guddoomiyaha degmada baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo hoggaamiyaha ciidanka dib u xoreynta Hiiraan Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud).

Hoggaamiyaasha ku sugan jiidaha hore es dagaalka, ayaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in gurmad deg deg ah ay dowladda Soomaaliya soo gaadhsiiso deegaanadii ay Al-shabaab ka saareen oo ay sheegeen in baahida ugu weyn ee jirta ay tahay in la caawiyo dadka ku nool deegaanada la xoreeyay.

Ra’iisal wasaaraha, ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii deegaannada laga saaray Al-shabaab u heli lahaayeen gargaar bini’aadanimo iyo waliba adeegyada kale ee muhiimka ah deegaanada laga xoreeyay Shabaab.

Gabagabadii Ra’iisal wasaare Xamse, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta kale ee aanan wali ku biirin dagaalada socda ee lagula jiro Al-shabaab iney ku biiraan dagaalka oo ay tagaan jiidaha hore ee dagaalka si looga midha dhaliyo howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.