Ururka SOLJA oo ku hanjabay Muddaharaad haddii la siideyn waayo Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf

Gabiley(Aftahannews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariniayaan muddaharaad haddii dhaqso xorriyaddooda loogu soo celin waayo Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee Xukuumaddu xayirtay oo muddo laba toddobaad ah ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Gabiley.

soljas-300x192

haatuf1-300x202

Masuuliyiinta Haatuf ayaa la xidhay ka dib markii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex u adeegsadeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Xuseen Cabdi Ducaale iyo Xubno awood ku leh Aqalka Madaxtooyada oo uu Wargeysku xogo ku saabsan bulshada u baahiyey.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa maanta gelinkii hore ku booqday Xabsiga magaalada Gabiley Masuuliyiinta Wargeyska Xukuumaddu xayirtay ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo in ka badan toddobaad halkaas ku xidhan.

Labadan Weriye oo kala ah Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha Wargeyskaas Axmed Cali  Cige, ayaa Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Xabsi Rumaan ah ku xukuntay laba toddobaad ka dib markii ay dawladdu la wareegtay xarunta Wargeyska.

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo markii uu saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa isagoo ka soo laabtay dalka Sucuudiga oo uu ku maqnaa muddooyinkii dambe, isla gelinkii hore ee maantaba Masuuliyiinta Haatuf ku booqday Xabsiga, ayaa booqashadaas ka dib Warbaahinta la hadlay, waxaanu sharci-darro iyo tacaddi ku tilmaamay Xadhigga Masuuliyiintaas oo ay xadhiggooda ka hor Xukuumaddu xayirtay Wargeyskooda oo xaruntiisii Hargeysa ay Ciidammo la wareegeen.

Waxa uu Xoghayaha SOLJA Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inay xorriyaddooda u soo celiso Suxufiyiinta xidhan, isla markaana dhakhso u fasaxdo laba Wargeys oo la xayiray sannadkan, kuwaasoo kala ah Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo isaguna ka sii horreeyey Haatuf.

 Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xayiraad saartay bishii January ee sanadkan Wargeyska Hubaal halka ay Wargeyska Haatuf-na xayirtay bishii inna dhaaftay ee April, iyadoo adeegsanaysa Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Maxamed-rashiid oo arrinta xadhigga Masuuliyiinta Haatuf ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrinta xadhigga Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, xadhigga khaladka ah ee rumaanka loogu soo diray Yuusuf Cabdi Gaboobe.  Haddii la yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe wuu hadlay ama wuu caytamay , maxay tahay sababta Axmed Cali Cige oo ah Tafaftiraha  loo raaciyay?.”

“Taas anigu waxaan qabaa in ay tahay qorshe lasii sameeyay oo loogu talo-galay in labadoodaba lagu xidho.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo Warbaahinta kula hadlay Gabiley.

Xoghaye Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray Madaweynaha Somaliland  iyo Xukuumaddiisa, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay Madaxweynaha, ‘Madaxwayne dimuqradiyadda iyo Dastuurku waa kuwaad ku  tahay Madaxwaynaha maanta, xorriyaddoodii u soo celi labada Suxufi iyo labada Wargeys oo faraha ka qaad, ayaan ku leenahay.”

 “Waxaas oo dhami aday ku raacayaan walaa Guddoomiye Maxkamadeed, walaa Wasiirro , walaa qof kale oo awood leh ayaan haysan, aduun bay ku raacayaan Madaxwayne, sababtoo ay tahay dalkan adaa laguu doortay, cod baad ku timid kursiga.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA.

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa intaasi ku daray; “Ta labaad qolada tidhi Xeerbaan Saxaafadda u samaynaynaa ee Xildhibaan Xasan Cawaale ka mid yahay, waxaan leeyahay Xasan Cawaale muu ogeyn afar cisho ka hor inuu Xeer jiray iyo inkalaba, haddana Xeer baan samaynayaa ayuu leeyahay, annaga nooma samayn karo, cidduu ku dhaqaayaa isagay u tallaa.”

Xoghayuhu waxa uu Bahda Saxaafadda Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan sida ay uga soo horjeedaan Tacaddiga ay dawladdu ku hayso Warbaahinta madaxa-bannaan, waxaanu yidhi; “Suxufiyiinta reer Somaliland waxaan u sheegayaa, marka laga reebo afar xubnood oo sheegtay  inay dawladda gacan-saar la leeyihiin,inta kale waxaan leehay u midooba arrintan, Masuuliyiinta xidhanna yeeli mayno inay xidhnaadaan, Muddaharaad-na waannu diyaarinaynaa, haddii la sii dayn waayo.”

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.