Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi oo geeriyooday

Doaha (Aftahannews)- Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.

Sheekha, ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Al-Qaradawi, ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii milateriga Masar ee uu hoggaaminayey Al-Sisi ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.

Al-Qaradawi, ayaa waxaa la maxkamadeeyey oo xukun lagu riday isaga oo ka maqan Masar.

Waxa uu barnaamij caan ah ka qaban jiray taleefishinka Al-Jazeera isaga oo ka hadli jiray arrimo siyaasadeed oo muran badan.

Waxa uu taageeray weerarada ismiidaaminta Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel, wuxuuna sidoo kale taageero u muujiyey kacdoonkii Ciraaq ka qarxay markii Mareykanka ay duulaan ku qabsadeen 2003.

Hase yeeshee waxa uu sidoo kale taageeray markii ururka Ikhwaanul Muslimiin ay ka qeyb-galeen doorashooyinkii Dimoqraadiga ee Masar ka dhacay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Xosni Mubarak.

Al-Qardaawi wuxuu aad u dhaliili jiray kooxaha xagjiriinta ah, sida kooxda Daacish.

Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii ay dartood xidhiidhka ugu jareen Qatar. Qatar waa ay beenisay eedaymahaas.