Golaha Guurtida Somaliland Muxuu ku sabeeyay soo celinta xeerarka doorashooyinka?

Hargeysa (Aftahannews)- Shir guddoonka golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta golaha Wakiillada dib ugu soo celiyay xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Balse shir guddoonka golaha Wakiillada, ayaa iyaguna dib u soo celiyay Xeerarkan, iyagoo diidey in ay qabtaan, maadaama ay hore u sii ansixiyeen.

Xeerarka wax laga baddalay ee labada dhinacba diideen, ayaa dhex yaalla labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, iyadoona la arkayay xeerkan oo ku jira kartoon oo ay labada shir-guddoon isku tuurtuurayaan qabashada xeerkan.

Hasse yeeshee, qoraal ay golaha Guurtidu ku faah faahiyeen sababta dib u celinta xeerarkan, ayaa lagu yidhi “Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha …waxaanu go’aan sanay in wax ka badalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo golihii wakiilada”.

Wax ka badalka xeerarkan, ayaa ogolaanaya in la is raacin karo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada, qodobkaas oo ay ka biyo diideen mudanayaasha taageersan in doorashada urruradu soo horayso.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay golaha Guurtida