Aasaasihii Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo oo qaatay Diinta Islaamka

Washington (Aftahannews)- Jonathan Starr oo ah aasaasihii Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo oo ku taalla magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu qaatay Diinta Islaamka.

Starr oo muddo dheer madax ka ahaa Dugsiga Abaarso, isla markaana dhawaan as aasay jaamacada Barwaaqo ee hablaha u gaar ka ah, ayaa shahaadada loogu qabtay masaajid ku yaala dalka Mareykanka.

“Waxaanu ku kulanay maqaaxi, wuxuu igu yidhi waxan rabaa in aan ku waydiiyo su’aalo Islaamka ku saabsan, kadibna waxan ku idhi i waydii, shalay ayay isaga iyo adeerkii makhaayadii iigu yimaadeen, kadibna wuxu yidhi waxan rabaa in aan shahaadada qaato” waxaa sidaasi yidhi wadaadkii shahaadada u qabtay.

Dadkii Masjidka ku sugnaa, ayaa markii shahaada loo qabtay Jonathan Starr, waxaa ay ku dhawaaqeen Allaahu Akbar.

Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, ayaa waxaa muddo lagu eedaynayay in ay fidiyaan waxyaabo liddi ku ah Diinta Islaamka.