Duuliyihii Diiday Inuu Hargeysa Duqeeyo oo La Maamuusay

Hargeysa (Aftahannews)- Suldaanka guud ee Beesha Habar-awal, Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, ayaa maanta magaalada Hargeysa hadhimo sharafeed ugu sameeyay Duuliye sare Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaan Axmed Dheere.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Huteel Baraar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Salaadiinta, Madax-dhaqameedka beesha Habar-awal iyo madax kale.

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed oo ugu horayn madasha hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in Duuliye Axmed Dheere uu abaal badan ku leeyahay dalka Somaliland, islamarkaana xusuus qiimo leh ay shacabka Somaliland u hayaan.

Sidoo kale, salaadiintii iyo madax-dhaqameedkii kale ee madasha ka hadlay, ayaa Duuliye Axmed Dheere ku amaanay go’aankii geesinimada lahaa ee ka qaatay inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, iyagoona sheegay inay qori doonaan buugaag ka hadlaysa taariikhdiisa iyo taariikhda umadkiisa.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo ahaa duuliye ka tirsanaan jiray ciidamadii cirka ee Jamhuuriyadii burburtay ee la isku odhan jiray Soomaali, ayaa waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa Duuliyihii diiday in uu duqeyn ka geysto Magaalada Hargeysa oo lagu amray bishii Jully 1988 in uu howlgal duqeyn ah ka fuliyo.

Waxaanu Duuliye Axmed Dheere go’aansaday inuu bambooyinkii diyaaraddu xanbaarsanyd aanu ku garaacin magaalada Hargeysa, taa bedelkeedana uu fadhiisiyo diyaaradda dalka Jabuuti.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan, ayaa shaqada Ciidannimo kaga tegay isagoo ah derejada Gaashaanle dhexe, xilligii howlgalka xasuuqa Shacbiga Hargeysa loo soo dirayna ahaa macalin culuumta gaadiidka cirka bara Ciidanka.