118 Qof oo ku dhintay Qaraxyo Gilgilay Nageria iyo Madaxweynaha dalkaas oo ka hadlay

Jos(Aftahannews):- Ugu yaraan 118 qof ayaa ku dhintay, 56 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo waaweyn oo shalay ka dhacay Jos oo ah magaalo ku taalla badhtamaha waddanka Nigeria.

2014521635362466744376184nigeria

Qaraxyadan ayaa ka dhacay dhisme weyn oo magaaladaas ku yaalla xilli ay ciidamada ammaanka iyo kuwo kale oo caalami ah ka wadaan gudaha dalkaas howgallo lagu adkeynayo ammaanka.

Madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa si adag u cambaareeyay labada qarax ee khasaaraha badan geystay, isagoo ku tilmamaay kuwo looga soo hor-jeedo xorriyadda bani’aadamka, ayna geysteen kooxo uu ku tilmaamay fulayaal iyo shayaadiin.

“Xukuumadda Nigeria waxay ballanqaadaysaa inay fuliso ballan-qaadkeedii ahaa inay ka guuleysato argagaxisada… Weligeen kama baqi doono cadowga doonaya inay hor-istaagaan horumarka shacabka dalkan,” ayuu yidhi Jonathan.

Sidoo kale, qarax kale oo Axaddii ka dhacay magaalada Kanu oo waqooyiga dalka Nigeria ku taalla ayaa lagu dilay afar qof, iyadoo qaraxyadan ay dhaliyeen su’aalo badan oo ku saabsan in xukuumaddu aysan awood u lahayn inay amniga  dalka xaqiijiso.

Goodluck Jonathan ayaa ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay u istaagaan sidii ay ku sugu lahaayeen nabadgalyada iyo hantida shacabka Nigeria, isagoo intaas ku daray inuu si adag uga soo horjeedo afduub ay kooxda Boko Haram ku haysato 200 oo gabdhood oo iskuulley ahaa.

Ciidammo caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda dalalka Mareykanka, Faransiiska, Britain iyo Israa’iil ayaa qayb ka ah howlgallo lagu doonayo in lagu soo furto gabdhahaas oo 14-kii Abriil ee sannadkan laga afduubay iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla magaalada Chibok oo ku taalla waqooyi-bari Nigeria.

Saraakiisha ammaanka dalka Nigeria ayaa sheegay in qaraxyadan khasaaraha badan geystay lagu dhex-qariyay gaari kuwa xamuulka qaada ah iyo mid kale oo bas ah, kuwaasoo qarxay laba jeer oo isku xigta.

Afhayeen u hadlay dowladda hoose ee magaalada Jos ayaa sheegay in dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadan ay intooda badan yihiin haween, kuwaas oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaallada magaaladaas.

Kooxda Boko Haram oo inta badan qarxyada iyo weerarrada khasaaraha badani ka dhashaan ka geysata dalka Nigeria ayaa tan iyo sannadkii 2009 waxay sare u qaadeen weerarrada ay geysanayaan.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.