William Ruto: “Xasan Sheekh Way ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab”

Nairobi (Aftahannews)- Madaxweynaha Kenya Willima Ruto, ayaa sheegay in dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay Telefishinka France 24, ayuu Ruto ku amaanay hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya doorka uu ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo khatarta kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

“Waxaan u maleynayaa doorashadii madaxweyne Xasan, oo aan la kulmay laba jeer hadda, wuxuu leeyahay aragti aad u cad oo ku saabsan halka aan u baahanahay inaan aadno. Waxaan filayaa inuu aad uga go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab. Go’aankiisu wuu cad yahay”, ayuu yidhi Willima Ruto.

Mar wax laga weydiiyey inuu qorsheynayo inuu ciidamada Kenya ka soo saaro Soomaaliya, wuxuu yidhi,” Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda islamarka aan dhammeyno howsha aan u hayno Soomaaliya.”

Hadalka hoggaamiyaha Kenya, ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weeraro kale ka geysan doonto gudaha dalka Kenya, hadii madaxda dalkaasi ay iska dhaga tiraan dalabaadkooda ku aadan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.