Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo hal arrin faray Golihiisa Wasiiradda

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta shir guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa si weyn uga hadlay hanaanka deyn cafinta ay u leedahay horumarka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Xamse, ayaa golaha wasiiradda Xukuumaddiisa ku booriyay iney xoogga saaraan sidii loo dhameys tiri lahaa dhamaan sharciyada hortabinta u leh deyn cafinta si loo horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya ugu dambeyn bisha Decembar ee sanadkan 2022.

“Waxaan doonaya inaan xoojino isla xisaabtanka iyo hufnaanta oo qeyb weyn ka qaadanaysa qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxaana dhammaan wasaaradaha iyo hay’addaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta aan farayaa iney si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaadhidda dadaallada socda oo ayna ka dib dhicin wakhtiga lagu balamay in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, waa inaan masuuliyad iska saarnaa inaan dhowrno sharafka shacabka Soomaaliyeed, sida aan masuuliyada isaga saarnay inaan ka dul qaadno cadawga Al-shabaab” Ayuu yidhi Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre, ayaa sidoo kale faray golahiisa wasiiradda iney la dagaalamaan wax kasta oo musuqmaasuq keeni kara si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseed u noqon karta iney sare u kacdo heerka aaminaada bulshada iyo dhamaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Gabagabadii Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa haatan u muuqata mid dardar galineysa dadaalada ku aadan sidii dowladda Soomaaliya lagaga cafin lahaa deynta.