Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyey Go’aankii Guddiga Doorashooyinka

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashooyinka Somaliland ku sheegeen in ay muddo 9 billood gudaheed ah ku qabanayaan doorashada madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu ku baahiyay bogiisa twitter-ka, ku sheegay in uu soo dhawaynayo mudada ay qabteen guddiga doorashooyinku.

“Aad ayaan uga xumahay in Muuse Biixi gacantiisa ku burburiyay Komishankii D.Q ee hore  si uu mudo kordhin sharci daro ah u helo, taas oo aan marnaba u suurta gali doonin, waxa aan soo dhawaynayaa go’aanka K. D.Q ee ah inay doorashada madaxtooyadda ku qabanayaan  muddo 9-billood ah.” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac (Gallaal), oo isna qoraal ku baahiyay bogiisa facebook-ga, ayaa bogaadiyay go’aanka guddiga isaga oo ku macneeyay murankii doorashooyinka oo soo dhamaaday.

“Komishanka Doorashooyinka Somaliland go’aankooda in 9 billood doorashadii madaxtooyadda lagu qabto waanu soo dhoweynaynaa, waananu hambalyeyneynaa in a murankii doorashada madaxtooyada soo af-jareen.” ayuu yidhi Gallaal.

Doorashadda Somaliland, ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya.

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta shaaciyay in aanay doorashada madaxweynaha qaban karin bisha November, uuna u baahan yahay 9 bilood oo ka billaabata bisha soo socota.

Guddiga Doorashooyinka, ayaan haba-yaraatee bayaanka ay soo saareen ku soo hadal qaadin dooorashada urrurada siyaasada.