Khilaaf sababay inuu furmiwaayo fal-fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa furmi waayay kadib markii xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafadku ay isku qabteen sharcinimada habkii loo ansixiyay wax ka badalka lagu sameeyay xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaannada taageersan furista urrurada siyaasada, ayaa diiday in ay galaan aqalka Golaha Wakiillada, kadib markii ay sharci daro ku tilmaameen habkii ay xildhibaannada mucaaradku ku ansixiyeen xeerarkan oo ogolaanaya in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada.

Hadaba, xildhibaannada labada dhinac oo hor tunaa xarunta golaha, ayaa qaar kood isku gacan qaadeen, inkasta oo aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhaca xildhibaannada.

Xildhibaannada taabacsan furista urrurada siyaasada oo isku jira mudanayaal ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo qaar ka soo baxay xisbiyada mucaaradka lakiin muxaafadka la mabda’a ah, ayaa diidan in xeerka wax ka badalka lagu sameeyay golaha guurtida la hor geeyo.

Xeerarkan oo uu goluhu wax ka badal ku sameeyay 20 bishan, ayay mudanayaasha ka soo horjeeda sheegeen in anay buuxin tirradii uu sharcigu sheegayay markii xeerarka la meel mariyay.