Boqorka Beesha Wasiir Khadiija Diiriye oo u jawaabay Sheekh Umal

Muqdisho (Aftahannews)- Boqorka beesha Gabooye, ayaa u jawaabay Sheekha caanka ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo dhaliilay waxa uu ku tilmaamay surwaal ay hore u xidhatay, wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye.

“Khadija marka ay surwaalka xidhato un ayay isku diin yihiin Sheekh Umal iyo sheekhyada kale. Khadiija waxay yidhaahdeen, waa Yixir, waa Midgaan waa 4.5, markii horeba diinta way ka saari jireene, maxaa ka galay surwaalkeeda,” ayuu yidhi boqorka oo muuqaalkiisa Baraha Bulshada lagu baahiyay.

“Sheekh Maxamed Cabdi Umal, haddii uu Khadiija Diiriye jeclaaday, aniga ayaa u boqor ah, oo u mehrinaaya ee ha isoo maro. Haddii uu surwaalkeeda ka hadlay wuu jeclaaday,” ayuu yidhi.

Hadalka Sheekh Maxamed Cabdi Umal, ayaa waxaa sidoo kale jawaab ka bixisay wasiir Khadiija, oo sheegtay in Sheekha aanay waxba ka gelin surwaalkeeda, maadama dumar badan oo Muslimiin ah ay xidhaan.

“Wasiiradda dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la taagan surwaalkii ragga ay gogosha ku seexanayeen, oo ay isku soo sawirtay, markaas ayay Baraha Bulshada soo dhigeysaa, xitaa xishood darrada iyo sariig la’aanta heerkaas ayay gaadhay.” ayuu sheegay Sheekh Umal.

Sheekh Umal, ayaa ka digay dumarka sameynaya tallaabooyinka dhaqan xumada ee ka dhanka ah diinta Islaamka ee ay ku kacayaan.

“Maxay u galayaan waxayna garaneyn? maxay qiyamka iyo akhlaaqda dumarka u weerarayaan? imisaa dumar baa laga qabanaya diinta Ilaahey” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Umal.

Khadiija Maxamed Diiriye oo muuqaal soo dhigtay boggeeda Facebook, ayaa waxay tidhi “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaa saraawiisha xidhan, surwaalka shalay laga hadlay kama duwana saraawiishaas” ayay carabka ku dhufatay Khadija Diriye.