Madaxweyne Biixi: “Xasanow hadii aad Muruq-Siyaasadeed leedahay, Maxay kuu iaaliyaan Burundi iyo Uganda”

Bc(Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dalka Mareykanka, oo ahaa in dowladdiisu aanay marnaba ogolaaneyn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

 “Horta gooni isu taagga Somaliland waxa uu ahaa go’aan ay soo gooyeen oo isku raaceen shacabka Somaliland, hadba madaxdii joogtana wakiil ka ahayd, taana ma aha mid Xasan Sheekh iyo Xamar nin jooga wax laga weydiinayo.”.

“32 sano dal madax bannan baanu ahayn, hadalkaa aad tidhi cadaawadda unbuu sii kordhinayaa, caqli xumana wey tahay marka waxaan ku leeyahay laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah ma ahaanaa waa haddii ay adiga ku deeqeyso.”

Madaxweyne Biixi oo sidoo kale kaa jawaabayay hadalka Xasan sheikh ee ahaa: “ Waxaan oggolahay in wixii hormarin ah aan siino, ma dooneyno inaan culeys ku saarno muruqayaga siyaasadeed,”  ayaa yidhi: Haddii aad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay, maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ah ee Afrika soo uruurisay.”

“Waxaan la yaabanahay inaad faanto oo aad tidhaahdo Somaliland muruqeyga uma isticmaalayo adigoo Burundi iyo Uganda ku ilaaliyaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Geesta kale, Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa iyaguna si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya.