Xasan Sheekh oo xarunta IMF-ta ku soo bandhigay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigii la socday oo kulan la qaatay madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristanila Georgieva, ayaa sheegay inay ka wadahadleen qodobo ay ka mid yihiin horumarka ay Soomaaliya ka samaysay xaqiijinta dib u habaynta nidaamka maaliyadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan deyn cafinta, koboca dhaqaalaha iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhalinyarada Soomaaliya loogu abuuro fursado shaqo, Soomaaliyana looga samatabixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegtay in IMF ay ka go’an tahay inay la shaqayso Soomaaliya.

“Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.