Puntland oo digniin culus kasoo saartay dhaq-dhaqaaqyo ay waddo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Aftahannews)- Maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada la xidhiidha shidaalka Soomaaliya ee ay waddo dowladda federaalka. 

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in maamulku uu taageersan yahay aragtida sahminta shidaalka Soomaaliya, si looga faa’iideyo shacabka, iyada oo la waafajinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.  

“Si kastaba, xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 ee lagu muransan yahay wuxuu xadgudub ku yahay qodobada kala ah, 44, 51, 53 iyo 54 ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee 2012,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka. 

“Qodobka 44-aad ee dastuurka wuxuu dhigayaa in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya lagu wadaago hab wada-xaajood ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Si kastaba, ansixinta xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 wuxuu ahaa mid aan loo marin habraacii dastuuriga ahaa, sidaas darteed, waa mid aanay aqbali karin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna dowladda iyo shacabka Puntland,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Puntland, ayaa sheegtay in mowqifkeeda uu yahay in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loo maro hab-raacyada dastuurka KMG ah ee dowladda federaalka, lana waafajiyo dastuurada dowlad goboleedyada Soomaaliya.

“Xeerka shidaalka Soomaaliya ee 2020 waxaa ansixiyay baarlamanka federaalka iyadoo aan lagala tashan dowlad goboleedyada. Maqnaanshaha hanaankan wadatashi ee muhiimka ah darteed, sharcigan waxaa loo arkaa mid aan dastuuri aheyn,” ayey tidhi Puntland.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay inay aad uga xun tahay sida ay dawladda federaalka Soomaaliya ugu adkaysaneyso fulinta sharcigan iyo in lagu degdego ka ganacsiga kheyraadka.

Puntland, ayaa sidoo kale ugu baaqday saaxiibada caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan ku dhaqanka dastuurka federaalka, heshiisyada sharciga ah iyo qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo ay door muhiim ah ku laheyd aas-aaskooda.

Puntland, ayaa sheegtay inay ugu digeyso dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya, kaas oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo Soomaaliya ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowladda Puntland kama qeyb noqon doonto hanaankan sharci-darrada ah, sidaas darteed, waxay xaq u leedahay inay ka baxdo ilaa inta dib looga billaabayo wadatashiga ku saabsan lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.”