Boqor Buurmadow oo Dagaal ugu hanjabay Madaxweyne Biixi

Addis Ababa (Aftahannews)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaadhsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro.

“Muuse wakhtigii wuu ka dhamaaday oo Somaliland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa ayna jirin bal ka waran,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

“Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaan ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale, waxa uu ku hanjabay in Madaxweyne Muuse Biixi marnaba aanu xoog ku fadhiyi doonin kursiga ugu sareeya Somaliland, islamarkaana uu diyaar u yahay in awood ciidan loo adeegsado.

“Maalintii u horeysay waan la taliyay oo cadaalad samee ayaan ku idhi, cid walba Muuse wuu diiday. Salaadiinta kuwii cid ugu xigay kama aanu xishoon. Maantana Suldaankii guud ayuu doonaya in uu toogto ama xidho.” ayuu yidhi Buurmadoow.

Waxa uu sheegay in uu dhisayo xisbiyada mucaaridka, ayna dagaal u galayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Muuse Biixi, haddii aanu dib ugu soo laaban nidaamka qori isku dhiibka ah ee Somaliland.