Somaliland: Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo lagu dhawaaqay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadigga ah ee fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasallada 4-aad ee dugsiga sare ee Somaliland.

Xaflada ku dhawaaqista imtixaanaadka shahaadiga ah, ayaa lagu qabtay hoolka Shirarka ee xarunta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee caasimada Hargeysa.

Waxaana natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah halkaasi kaga dhawaaqay Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, Daa’uud Axmed Farax oo ay weheliyaan Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo Guddoomiye ku xigeenka xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.