Qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey

Muqdisho (Aftahannews)- Guddiga isku-dhafka heer Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ee Soomaaliya, ayaa ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee u gudbiyay Wasiirka Wasaarada Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Guddiga oo tixgelinaya codsiga Wasiirka, ayaa waxay 12-kii bishan ansixiyeen qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya, kadib markii la is waafajiyey sharciyada iyo xeerarka u yaalla.

Sidoo kale, waxa uu guddiga ansixiyay is-waafajinta qoddobada sharciga Batroolka iyo sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka oo muddo hortaagna arrintan.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, ayaa sidoo kale dhankiisa ka mahad-celiyay tallaabada uu guddiga isku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay ku ansixiyeen qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya.

“Guddiga Wasiirada maanta waxay ansixiyeen habka Qandaraas bixinta, kaasi oo muhiim u ah dejinta habraaca tartamada. Waxaa rabaa in u mahad-celiyo asxaabtayd sida ay uga tashadeen oo ay si taxadar leh u eegaan labada dukumeenti iyo ansixintooda,” ayuu yidhi Wasiirka.

Tallaabadan, ayaa ka dhigan in Wasiirka Batroolka Soomaaliya hadda kadib loo gacan baneeyay in wasaaradiisa ay geli karto heshiisyo qandaraas oo ku saabsan faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya, maadama la dhameystiray dhamaan habraacyada lagu maaraynayo hanaanka bixinta qandaraasyada shidaalka.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Guddiga isku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay shirarka uga qeyb-galeen wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyada oo dhamaantood ah xubno ka tirsanaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.