Saxafiyad Safiya Cali Yuusuf oo Geeriyootay

Hargeysa (Aftahannews)- Allaah ha u naxariistee waxaa saaka Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ku geeriyootay Saxafiyadii caanka ahayd ee Safiya Cali Yuusuf oo ka mid ahayd saxafiyiinta rug-cadaaga ah ee reer Somaliland.

Saxafiyad Safiya Cali Yuusuf, ayaa Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa loo dhigay xanuun soo wajahay iyadoona saaka u geeriyootay xanuunkaasi.

Marxuumad Safiya Cali Yuusuf, ayaa ahayd saxafiyad taariikh weyn ku leh saxaafada Somaliland iyo halgankii dib u xoreyntii dalka, iyadoo ahayd gabadhii kaliya ee ka shaqayn jirtay Idaacadii Radio Halgan, waxa sidoo kale ay door weyn ku lahayd taabo-galka saxaafada Somaliland, iyadoo ka mid ahayd aas-aasayaashii ururka saxafiyiinta gabdhaha Somaliland ee Wija.

Saxafiyad Safiya Cali Yuusuf, ayaa sidoo kale horaantii siddeetamaadkii ka mid noqotay Wariyayaashii Radio Hargeysa , iyadoo caan ku ahayd barnaamijyadda arrimaha bulshada iyo tabinta wararka, waxayna sidoo kale muddo dheer ka mid ahayd shaqaalaha BBC Media Action.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland, ahna afhayeenka Xukumada Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa dhambaal tacsiya u dirayaa ehelkii,qaraabadii , bahda saxaafada iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee ay ka baxday alle ha u naxariistee Saxafiyad Safiya Cali Yuusuf oo ka mid ahayd saxafiyiinta rug-cadaaga ah ee reer Somaliland.

Wasiirka, ayaa waxaa uu marxuumada ku sifeeyey in ahayd saxafiyad taariikh weyn ku leh saxaafada Somaliland iyo halgankii dib u xoreyntii dalka, waxaanu marxuumada eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, guud ahaan qaranka, bahda saxaafada iyo qoyskii ay ka baxdayna Samir iyo iimaan ka siiyo.