Shirweynaha 1aad Ee Urur Siyaasadeedka Barwaaqo oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland si rasmi ah uga furmay Shirwaynaha 1aad ee Urur Siyaasadeedka BARWAAQO oo ka mid ah urur-siyaasadeedyada Somaliland.

Shirweynahan urur siyaasadeedka Barwaaqo, ayaa waxaa ka soo qayb galay hoggaanka ururka, masuuliyiinta urur siyaasadeedyada kale ee dalka siyaasiyiin, aqoonyahan, madax-dhaqameed, haween iyo dadweyne aad u tiro badan.

Shirweynahan, ayaa sidoo kale lagu doortay hoggaanka ururka, iyadoo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo loo doortay Dr Mohamed Abdi Yusuf Gaboose.

    

Hoos ka daawo muuqaalka