Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo gaadhay Berbera

Berbera (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka kaga ambo baxay Hargeysa, ayaa gaadhay magaalo xeebeedda Berbera.

Waxaana madaxweynaha iyo wefdigiisa halkaasi ku soo dhaweeyey Kumannaan katirsan shacabka reer Berbera oo ay wejiyadooda ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Berbera oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka iyo midka degmada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kus oo dhaweeyey gudaha magaalada, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha qaranku uu socod lug ah masaafo dheer la lugeeyey bulshadii halkaas kusoo dhaweysay.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa si diirran loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxana caleemo qoyan ku qaabilay bulshada deegaannadaas ku dhaqan oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo yididiilo.

       

Hoos ka daawo muuqaalka