Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Degmada Milxo ee Gobolka Sanaag

Ceerigaabo (Aftahannews)- Qarax xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa waxaa uu oo ka dhacay deegaanka Milxo oo hoos taga degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag.

Qaraxan oo loo maleynayo inuu yahay ismiidaamin, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawaad shan qof ay ku geeriyoodeen, iyadoona tiro ka badana ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan oo dhacay galinkii dambe, ayaa la sheegay in lala eegtay dad shacab ah oo ku sugnaa meel maqaaxi ah oo lagu shaaheeyo, iyadoo weerarkan loo maleynayo inay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, weerarkan, ayaan la ogayn sababta loola beegsaday deegaanka Milxo, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in maalmahanba uu jiray dhaqdhaqaaqyada ciidamo deegaanka ah oo ka horyimid lacago canshuur ah oo Al-Shabaab ka qaadi jireen dadka deegaanka Milxo.

Deegaankan Milxo ee lala beegsaday qaraxa, ayaa ah dhul laga baadho macdanta, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay iska- horimaadyo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamo Macaaawisley ah oo aan cidna hoos tagin.