Madaxweyne Biixi oo Xadhigga ka jaray Dhaam laga Hirgeliyey Gabiley

Gabiley (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray Dhaam-biyoodka weyn ee xukuumaddu ka hirgelisay duleedka waqooyi ee magaalada Gabiley, kaasoo la soo gebagabeeyey, laguna qabtay xaddi badan oo biyaha roobka ah oo badda geli jirey, bulshada deegaankuna ay baahi badan u qabtay, ayaa maanta waxa si rasmi ah xadhiga uga jaray madaxweynaha qaranka iyo wasiirka Horumarinta Biyaha oo ka mid ah weftiga madaxweynaha ee maalintii afraad ku sugan gobolada Galbeedka.

Madaxweynaha, ayaa kaddib markii uu xadhigga ka jaray dhaamka, waxa uu kormeer kooban ku sameeyey hareerihiisa iyo xaddiga biyaha ah ee fadhiya, waxana uu warbixin la xidhiidha guulaha uu keenay ka dhegaystay qaar kamid ah dadka beeralayda ah ee deegaanka ku dhaqan iyo madaxda shirkadda hirgelisay, kuwaas oo ku dheeraaday faa’iidada ballaadhan ee uu soo kordhiyey iyo sida ay dadka iyo duunyada deegaankaasi uga faa’iidaysteen.

Madaxda degmada iyo kuwa gobolka Gabiley oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee uu dhismaha Dhaamku soo maray, dedaalkii uu madaxweynaha qaranku geliyey inuu dhaamkani noqdo mid guulaysta oo nolosha bulshada deegaanka iyo midda gobolkaba wax weyn kusoo kordhiya.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha,  Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa isaguna dhankiisa madaxweynaha ugaga mahadnaqay hirgelinta Dhaamkan oo kamid ah mashaariicda ugu manfaca weyn ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi fulisay, waxana uu maamulka gobolka usoo jeediyey inay ilaaliyaan dhaamka, wiixii uu u baahdana ay iyagu masuuliyad gaar ah iska saaraan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Dhaamka uu maanta xadhigga ka jaray ku tilmaamay horumar weyn oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsaday, taasina muujinayso haddii ay bulshadu isku tashato in laga gudbi karo caqbado badan oo maanta inagu gedaaman, waxana uu bulshada deegaanka ugu baaqay inay ilaashadaan dhaamkaas qaranku hantida badan u huray.

Geesta kale, Madaxweynaha Muuse Biixi, ayaa waxaa uu kormeeray dugsiga sare ee Qalax, kaas oo ay wax ka bartaan arday tiro badan oo deegaanka ah.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socday waxay iyadoo duruustu socoto halkaas kusoo dhaweeyey maamulka dugsiga Qalax, Marwo Amran Cabdi Muxumed, iyada oo madaxweynuhuna mid mid u galay fasallada kala duwan ee dugsiga oo ay Ardaydu ku gudo jireen duruustoodii maalinlaha ahaa, isaga oo u kuurgalay qaabka ay waxbarashadu ugu socoto, Ardaydana ku waaniyey inay waxbarashadooda ku dedaalaan.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu kormeereen Biriishka xaafadda Shariif Cali ee gudaha magaalada Gabiley oo dhismihiisu heer gebogebo ah maraya, waxana uu madaxweynuhu halkaas warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismahaas.