Golaha Wakiillada Somaliland oo Warbixiin kasoo saaray Mudaharaadkii 11 August

Hargeysa (Aftahannews)- Guddigii uu Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland u saaray inay soo baadhayaan khasaarihii ka dhashay Mudaharaaddadii dadku dhinteen ee 11-kii bishii August ka dhacay Somaliland, ayaa sheegay in aanay weli jirin Askari loo xidhay ama lagu maxkamadeeyay dadkii ku dhintay mudaharaadkaasi.

Guddiga oo Maanta War-bixin siiyey Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Laamaha Ammaanku adeegsadeen Awood xad-dhaaf ah, sida Rasaas nool, xilligii ay ka hortagayaan taageerayaashii Xisbiyada Mucaaradka ah ee dibed-baxa ka sameeyay Magaalooyinka dalka qaarkood.

Guddidu waxay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag iyo Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa oo ay ku eedeeyeen in ay is-hortaageen baadhitaankii guddidu wadday.