Puntland oo digniin ka soo saartay qorshe Al-Shabaab ay ka waddo Garoowe

Garoowe (Aftahannews)- Taliska ciidamada Booliska ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa digniin culus ka soo saaray isku dayo ay kooxda Al-Shabaab la damacsan tahay magaalada Garoowe oo ay ka geysaneyso falal amni daro, sida weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay waraabhinta ka howlgashay maamulkaasi, ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogo ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheyneyso in degmada Garoowe ay soo geliso rag u qaabilsan falalka amni darrada ah.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee deggan magaaladaas inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortego qorshaha Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab Garoowe laga sifeeyey, kadib dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada maamul goboleedka Puntland, kadib markii gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyey dilkiisa oo ka dhex dhacay masjid sannadkii 2013-kii.

“Al-Shabaab sidii dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax kadib looga sifeeyay Garoowe, waxay hadda mar kale isku dayayaan inay Garoowe ku yeeshaan dad u qaabilsan falalka argigixisada ah, waxaana loo baahan yahay reer Puntland sidii lagu yaqaanay inay aad ula socdaan dadka guryaha laga kiraynayo,” ayuu yidhi taliyaha Booliska, qaybta gobolka Nugaal.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulkaasi, waxayna taasi keentay inay hoos u dhacaan weerarada kooxda Al-Shabaab ee ka dhaca halkaasi.

Si kastaba, Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa fadhiisimo ciidan ku leh dhulka buuraha ah ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxayna mararka qaar weeraro ka geystaan deegaanno hoostaga maamulkaasi Puntland.