Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Magaaladda Beledweyne

Beledweyne (Aftahannews)- Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa oo mid xoogan, ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako, iyada oo lala beegsaday askar ka tirsan kuwa miino baadhista ee ka howlgala garoonka Ugaas Khaliif.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna haleelay gaadhi ay wateen ciidamadaas oo ah kuwa Boolis ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay illaa saddex askari, kuwaas oo la geeyey Isbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda, ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaaladaas.

Beledweyne, ayaa waxaa inta badan ka dhacay falal ammaan darro oo isugu jira dilal iyo qaraxyo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan, ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan ay howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Macawiisleyda.