Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Mudada Burburka Xisbiyada

Gabiley (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, uu wakhtigoodi dhamaaday oo ay yihiin xisbiyo kumeel gaadh ah, isla markaana ay tartanka ka hadhayaan hadii anay sharciyadooda keenin 28 bishan.

Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay arday ka baxday Jaamacada Timacadde ee magaalada Gabiley, ayaa sheegay in xisbigii aan sharciyadii soo xerayn 28 bishan, uu ka hadhayo tartanka oo saaxada ka baxayo sidii ku dhacday xisbigii mudada dheer talada Somaliland hayay ee UDUB.

Madaxweynuhu wuxuu ka soo horjeestay soo jeedintii guddida ganacsatada, isaga oo sheegay in anay suuragal ahayn in laysku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada, waxa uu sheegay in marka hore la dooranayo saddex xisbi kadibna ay madaxweyne u tartami doonaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xisbiyada muucaaradka ay isku hayaan urrurada hala furo iyo yaan la furin, iyo hadii la furo yaanay galin doorashada madaxweynaha iyo ha galaan, isaga oo sheegay in aanu ka baqanayn in uu tartan la galo Waddani iyo UCID.

Waxa uu sheegay in aan madaxweyne fiican la helayn, hadii aan xisbiyo fiican la helin, sidaa daraadeedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xisbiyo lasoo saaro, oo sidaa taladii kusoo urrurtay.