Xubno ka socda Ururka Qareenada Somaliland oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah

Addis Ababa (Aftahannews)- Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay shirkii Qareenada Africa oo mudo laba maalmood ah ka socday magaalada Addis Ababa.

Shirkan Qareenada Africa, ayaa waxaa Somaliland ku matalayay xubno ka socda ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA), oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka ururka qareenada, Mukhtar Jibril iyo Madaxa xidhiidhka dibadda iyo Iskaashiga ee ururkaasi, Daahir Maxamed Faarax (Ciyaale).

Waxaa intii uu socday shirkani lagu dajiyay qorshaha istaraatiijiyadeed ee uu ururka (Pan African lawyers Union ) ku shaqayn doono 20-ka sano ee soo socda ee ilaa 2040-ka, iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka Madaxda wakhti xaadirkan ee ururka.

Shirkan ururka Qareenada Africa, ayaa Somaliland u lahaa muhiimad gaara, iyadoona ka mid noqotay xubin buuxda oo la mid ah  54-ka dal ee Afrika ee ku midaysan ururkan.

Ka mid noqoshada Somaliland ee ururkan, ayaa waxaa ay Looyarada Somaliland ka caawinaysaa inay ka faa’idaystaan inay helaan tobobarada caalamiga ah ee ururkani ka helo AU-da, African Union iyo Ururada kale ee caalamigaa ee iyagna hoos taga UN-ta qaybeheeda arrimaha sharciyada iyo cadaalada kala shaqeeya.