Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul-goboleedyada oo ku shiraya Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Magaalada Muqdisho, ayaa maalmaha soo socda waxa ay martigelin doontaa shir ay isugu iman doonaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya.

Shirkan oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud isugu yeedhay madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimha siyaasadda, amniga, iyo mushkiladda bani’aadnimo ee Soomaaliya ay wajaheyso.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka, ayaa markii uu maanta ka degay Muqdisho sheegay inay doonayaan in madaxda Soomaaliya ay go’aamo ka gaadhaan sidii loo taageeri lahaa kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

“Cid walba oo aan la hadalno waxay nagu tidhaahdaa isku tashada, Soomaali ha isku tashato, marka waxaan dooneynaa inaan ka arrinsanno sidii laga yeeli lahaa arrimo ay ka mid tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Shirkan, ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu weli oogan yahay muran soo kala dhex galay Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, gaar ahaan Maamulka iyo Shabacabka Gobalka Shabelle, ayaa bilaabay in ay ka taageeraan dadka Gobolka Hiiraan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Maamulka Shabeelle, ayaa saanad milateri, raashin iyo agab kale ugu deeqay gobolka Hiiraan.

Xaflad kooban oo uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu kula wareegay deeqdan, ayaa lagu qabtay magaalada Feer Feer dhinaca Ethiopia.