Madaxweynaha oo Hargeysa kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Muwaaddiniin Reer Somaliland ah oo dedaal ka geystay aqoonsigii ay Golaha Deegaanka Sheffield ee dalka Ingiriisku Somaliland ku aqoonsadeen iyaga oo ka saxeexay Golaha Deegaanka magaaladaas.

Kulankan oo ay madaxweynaha shahaado sharaf ku gudoonsiyeen Muwaadiniintaasi ayaa waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagana ay Shahaado sharaf gudoonsiyeen Muwaadiniintaasi.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha Kuwehelinaayey Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland. Ugu danbayna waxa ka war-bixiyey Kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xubno ka mida Weftigaasi.

Waxaanay sheegeen in Madaxweynuhu uga mahad-celiyey dedaalka iyo hawsha culus ee waddaniyadda iyo muwaaddinnimadu ka muuqato ee ay u galeen qaddiyadda Qarankooda, kuwaasoo iyaguna Madaxweyna iyo dawladdaba uga mahad-celiyey horumarka ay gudaha ka sameeyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.