Full: Qaabkii Golaha Wakiilada Somaliland u Ansixiyeen 3-dii Komishineer

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhi ay saaka yeesheen waxaa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddexdii xubnood ee ka dhinaa Guddiga Doorashooyinka.

Fadhigan maanta oo ay oo ka soo xaadireen 70 xildhibaan, ayaa dhamaantood xildhibaanadu gacanta u taageen xubnahan Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Xubnahan la ansixiyay, ayaa kala ahaa, Muuse Xasan Yuusuf, Axmed Cismaan Xasan iyo Axmed Yuusuf Maxamed, iyagoona Guddiga Doorashooyinka Somaliland ka mid noqon doona.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnahan ku soo celiyay golaha Wakiillada, iyadoo goluhu uu diiday in uu codka kalsoonida siiyo muddo laba bilood ka hor ah, xiligaas oo uu goluhu ansixiyay 4 kamid ah xubnaha guddiga, kadibna uu galay fasax 2 bilood ah.

Sidoo kale, xukuumadda, ayaa in muddo ah ku eedaynaysay golaha Wakiillada in ay ka caga jiidayaan dhamaystirka guddiga doorashooyinka, si loo amba qaado qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada.

Soo jeedintii Guddiga dhex-dhexaadinta, ayay kamid ahayd in la ansixiyo xubnaha ka dhiman guddiga si loo dedejiyo howlaha u diyaar garowga doorashooyinka.

Hoos ka daawo muuqaalka warka