Sadex qof oo muqdisho lagu dilay hal meela

Muqdisho (Aftahannews)- Dil’wadareed ka dhacay muqdisho iyo Faah,faahin ka soo baxaysa.

Labo gabdhood iyo wiil walaala ahaa ayaa saaka lagu diley suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,
Dad xiligii dilku dhacayey goobta ka agdhawaa ayaa sheegay in gabdhaha iyo wiilk lagu kala magacaabi jiray, Amino cabdulaahi xasan iyo shugri cali nuur iyo khadar cali nuur oo ay madaxa ka toogteen labo nin oo watey dhug-dhugley (mooto), kuwaasoo durbadiiba goobta isaga baxsaday waxaana daqiiqado kadib halkaas soo gaarey ciidamo ka tirsan booliska.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka gabdhaha iyo wiilka , waxaana xusid mudan in mid ka mid ah labada gabdhood ay la dhalatay wiilka halka mida kalana ay xaas kiisa ahayd wiilka iyo gabadha wada dhashay Walaal kood oo isna lagu magaacabo yusuf cali nuur sida ay noo sheegen ehelada qoyska dhacdadan ayaa murug badan ku reebtay dadka dagan Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysey ee dad wada dhashay sidan Muqdisho loogu dilo, haseyeeshee April 4, 2014 ayey ahayd markii la toogtey gabar ardayad ahayd lagu magacaabi jirey Nafiso Cismaan Salaad.

Ammaanka Muqdisho ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey iyadoo qaraxyada iyo dilalka qorsheysniba aad kor ugu kaceen.

Dhanka kale waxay isla shalay cidamada nabad-sugiddu dileen labo nin oo dhalinyaro ahaa kuwaasoo la toogtey kadib markii sida la sheegay suuqa Bakaaraha dhexdiisa ay askari ku dileen.

(Afatah News

(Xafiiska Muqdisho)