Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyay Dadkii ay Al-shabaab ku laysey Gobolka Hiiraan

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii Al- shabaab ku dileen saaka waabarigii dad rayad ah oo ka baxay magaalada Baladweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhacdadaas ku tilmaamay fal arxan darro ah oo aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka.

Warkan oo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Al-shabaab ku eedeyay in ay ka soo horjeedaan nolasha iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay garab siiyaan ciidamada dowladda.