Madaxweyne Siilaanyo oo laba degmo oo cusub magacaabay iyo gobollada ay hoos-tegayaan

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta magacaabay laba degmo oo cusub oo ku yaalla Bariga Somaliland, kuwaasoo hoos-tegi doona gobollada Sanaag iyo Saraar.

images

muuqaallo_ceegaag4

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsan Digreetada uu Madaxweynuhu ku magacaabay labadaas degmo oo galabta ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa. Waxaanu qoraalka Warkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.

MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka; Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay:      Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Wuxuu go’aansaday; 1.     In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag. 2.     In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo. ALLAA MAHAD LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.