Xukuumadda Somaliland oo Jawaab adag ka Bixisay Warqad ay Soomaaliya Faafisay

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixisay warqad been abuur iyo masabid ku ah Somaliland oo ay Soomaaliya ku baahisay baraha bulshada , taasoo ay ku shaxaysay qoondada ay maamul-goboleedyadeeda ay maamusho ugu qaybisay deeq waxbarasho oo ay ka heshay dowladda Masar, isla markaana si faro-gelin iyo xad-gudub ah ugu dartay liiska magaca Somaliland.

Sida lagu muujiyey shaxda qoondada ah ee ay baahisay xukuumadda Muqdisho, ayaa waxa lagu sheegay in deeqdaas waxbarasho Somaliland ka heshay 25 Qof, taasoo ay kala siman tahay saami ahaan maamullada Puntland, Banaadir iyo maamul-goboleedyada kale ee hoos-yimaada.

Hase yeeshee, Dowladda Somaliland, ayaa caddaysay in maamulka Soomaaliya arrintaasi ugu kacay qorshe la’aan iyo siyaasad-xumo, isla markaana Xukuumadda Somaliland haba-yaraatee aanay ka dalban, kana doonayn, danna aanay ka gelin kaalmo waxbarasho oo Soomaaliya loo soo mariyo, hore iyo dibna aanay taasi u dhicin, Qarankuna adduunka toos ugala xidhiidho wixii ku saabsan iskaashiga arrimaha waxbarashada.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiim Siciid Muuse (Bustaale) oo ugu waramay warbaahinta dawladda, ayaa wax laga xumaado iyo siyaasad-xumo ku tilmaamay warqada lagu faafiyey barahaha bulshada ee ka soo baxday Soomaaliya, taasoo uu caddeeyey in aanay ahayn mid ka turjumaysa baahi ka timi ama ku salaysan doonista Somaliland.

“runtii waxaan u aragnaa warqadaasi qorshe la’aan iyo siyaasad xumo maamulka Muqdisho ka jirta. sideedaba dawladda Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dawladdood oo kala madaxbannaan. waa laba dal oo jaar ah. deeqaha waxbarasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland u baahan yahay maaha kuwa qaranku ka martiyo ama marti u ah maamulka Muqdisho.

Somaliland deeqaha waxbarasho waxay toos ugala xidhiidhaa dunida oo ay heshiisyo ka wada galaan Dawladdaha iskaashiga waxbarasho ka dhexeeyo, hadday noqoto deeqaha waxbarasho iyo hadday noqoto fursadaha kaleba”ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay wasaaraddu ku shaqayso siyaasadda waxbarashada Qaranka, taasoo ku dhisan dastuurka iyo xeerarka waddanka “waraaqdaas Soomaaliya faafisayna waxay ka turjumaysaa jiho la’aan siyaasaddeed, waxaan u aragnaa inay wali hayaan wixii ay hore ugu lumeen, waxaanan leenahay ceebtood maahee waa caadadood. Somaliland-na maaha meel deeqaha waxbarasho loo soo mariyo Muqdisho”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey “rabitaanka iyo siyaasadda guud ee qaranka Somaliland waxa sal u ah inaynnaan isku-nidaam ahayn Soomaaliya. Wasaaradda waxbarashaduna waxay leedahay door adag iyo siyaasad adag oo ay sal u tahay deeqaha waxbarashada dunida laga helayo illaa ay Somaliland heshiis la gasho dalka deeqda waxbarasho bixinaya ma qaadanno, isla markaana Ardayda Imtixaan lagagama qaado dalka deeq waxbarasho aanay wasaaradda waxbarashadu ogayn”

Cabdixakiim Bustaale isagoo hadalka sii wata waxa uu sheegay “dalalka deeqaha waxbarasho Somaliland ka hesho waxa ka horreeya isfaham ku saabsan sida loo wada shaqaynayo iyo sida heshiis loo gelayo. Markaa Somaliland waxay xidhiidh la leedahay dalal fara badan oo aanu deeqo waxbarasho ka helno”ayuu raaciyey isagoo magac-dhabay qaar kamida dawladdahaasi oo ay kamid tahay Itoobiya oo ay dhawaan heshiiskii u dambeeyey wada galeen Xukuumadda.