Somaliland: Garyaqaanka Guud oo ka hadlay Khilaafka Doorashada iyo soo-jeedintii Ganacsatada

Hargeysa (Aftahannews)- Garyaqaanka Guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa soojeedintii guddida ganacsada, ee odhanaysay “Ha la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada” ku tilmaamay dood jaban.

Garyaqaan Maal waxa uu tilmaamay in doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada Somaliland aanay is raaci karin farsamo ahaan iyo sharci ahaanba, isagoo sheegay in qabashada doorashada urruradu ay shardi u tahay in la qabto doorashada madaxtooyada.

Waxaanu yidhi.”Su’aashaa ah doorashooyinka madaxtooyad iyo urrurada waa laysku sidki karaa, ee garyaqaanadu ka hadleen, waxay tahay in aanay israaci karin farsamo ahaan iyo sharci ahaanba”

Waxaanu intaas ku daray. “Sababtoo ah labada doorasho shardi ayay isku yihiin, marka midi dhacdo ayaa mida kale la gali karaa”.

Waxa uu sheegay in doorashooyinkani ay ka duwanyihiin doorashooyinkii isku nidaamka ahaa, ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada, oo kali ah doorashada madaxtooyada la gali karo, marka doorashada xisbiyada la qabto.

Waxa uu sheegay in xisbiyada hada jooga ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ay ku jiraan xaalad kala wareeg ah, xaaladaas oo sharcigu jidaynayo in xisbiyadu galaan marka 6 bilood ka hadhsantahay mudo xileed kooda, sida darteedna lagu jiro sidii doorashada xisbiyada loo gali lahaa.

Guddidii ganacsatada ahayd ee isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland, ayaa soojeediyay in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada, soojeedintaasi oo axsaabta mucaaradka ah oo kali ahi ay soo dhaweeyeen.