Is-rasaaseyn khasaare ka dhashay oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta  gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta israsaaseyn khasaare dhalisay ay ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood.

Iska hor imaadkan ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood, ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba ganacsade oo qaadka keena magaalada Laascaanood.

Labada ganacsade, ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay muran ka dhashay diyaarad sidday jaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya, taas oo saaka ka degtay garoonkaasi.

Iska hor imaadkan dhexmaray labada ganacsade, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan illaa afar qof.