TPLF oo sheegtay in Ertirea ku soo noqotay Dagaalka Gobolka Tigray

Mekele (Aftahannews)- Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ereteriya, ayaa Khamiista maanta ah weerar ku qaaday gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, waxayna bartilmaameedsadeen ciidamada Tigreega, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Tigreega, inkastoo wakaaladda wararka ee Reuters ayna u suurtagelin in ay si madaxbannaan u xaqiijiso warbixinta.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigrayga, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in labada “ciidan ay subaxnimadii hore ee saaka weerar ballaadhan oo afar jiho ah ku qaadeen degaanka Adyabo ee Waqooyi-galbeed ee Tigray!”

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Kornayl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha Billene Seyoum iyo Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada ku saabsan inay ka jawaabaan eedeymahan.

Dowladda Itoobiya, ayaa Arbacadii bayaan ay soo saartay ku eedaysay ciidamada Tigreega inay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen ciidamada dowladda.

Labada dhinac, ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu jabiyay xabbad- joojintii.

Colaadda ka taagan Itoobiya, ayaa gobolka ka dhigtay mid xasillooni darro ka dhigtay waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, oo ah waddanka ugu miisaanka culus ee diblamaasiyadeed ee martigeliya Midowga Afrika.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken, ayaa ku boorriyay xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF galinkii danbe ee Arbacadii inay “si degdeg ah u joojiyaan hawlgallada milatari” ayna ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

Eritrea, ayaa ciidamo u dirtay Tigray si ay u taageeraan milatariga Itoobiya, kadib markii uu dagaalku qarxay Noofambar 2020, in kasta oo labada waddanba ay si cad u beeniyeen joogitaankooda muddo ku dhow shan bilood, iyada oo eedeymaha ay kor u kaceen kufsi-wadareed, dilalka xad-dhaafka ah ee loo geysanayo dadka rayid ka ah iyo bililiqo.

Eriteria, ayaa diiday eedeymahaas.

Reuters