Diyaarado markii labaad Duqayn ka geystay Deegaanka Jilib oo Dad Shacab ah laayey

Jilib(Aftahannews):- Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay leedahay dowladda Kenya, ayaa markii labaad toddobaadkan shalay duqeeyay deegaan ku yaalla duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Jilib

Duqeynta oo lala bartilmaameedsaday deegaanka Fara-guroow oo 3-km u jira degmada Jilib, ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo laba ka mid ah ahaayeen Haween, laba Carruur ah iyo Nin Oday ah, sida ay sheegeen dadka deegaankaas oo qaarkood warbaahintu la xidhiidhay.

Goob-joogayala ku sugan deegaanka duqeyntu ka dhacday ayaa Warbaahinta qaarkeed u sheegay in diyaaraduhu ay ahaayeen laba, balse ay mid keliya gantaallo ku ridday dhul beereed ku yaalla deegaankaas.

 “Maanta (shalay) diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaanka Fara-guroow oo duleedka degmada Jilib ku yaalla, khasaaraha aan arkay waa shan qof oo dhaawac ah ma arag wax dhimasho ah.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge ku sugan deegaanka la duqeeyey oo ka mid ah dadka ay warbaahinta Soomaalidu wax ka weydiisay duqayntaas diyaaraddu ka geysatay duleedka Jilib.

Sidoo kale, goob-joogaha, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay kala ahaayeen Wiil yar iyo Aabbihiis oo waayeel ah, laba Haween ah iyo Cunug kale, kuwaasoo ay gantaalladu ugu tageen guryahooda. Balse may caddeyn gantaallada ay diyaaraddu ridday tiradooda.

“Diyaaradaha labada ah midi waxay ahayd mid kormeer sameynaysay, balse ta labaad kale ayaa duqeynta geysatay, tii duqeynta geysatay dib ayay u laabatay, laakiin weli (xalay) tii aan duqeynta sameyn ayaa magaalada Jilib dul heehaabaysa.” ayuu mar kale yidhi goob-joogahaas oo magaciisa sababo ammaan u qariyay.

Waa markii labaad ee tooddobaadkan gudihiisa ay diyaarado dagaal oo ay leedahay Kenya ay duqeyn ka geystaan deegaanno ku yaalla duleedka Jilib oo ah magaalo ay gacanta ku hayso Malleeshiyada Al-shabaab.

Markii ay duqeyntu dhacday ka dib ayaa waxaa la arkayay Ciidammo fara badan oo Al-shabaab ka tirsan oo soo buuxiyay degmada Jilib, iyadoo Saraakiil kooxda u hadashay ay ku sheegayeen cod-baahiyeyaal inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Duqeyntan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay dorraad weerar gaadmo ah ku dileen 12-Sarkaal oo Kenyaan ah, kuwaasoo ku socday degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.