Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Arrinta Doorashada iyo Kiisaska Kufsiga

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu dhinacna uga beydheyn wixii sharci ah, islamarkaana uu qabanayo doorashada Somaliland, iyadoo loo marayo buu yidhi sharciga.

Waxaa kale oo Madaxweyne Muuse Biixi uu ka hadlay kiisaska kufsiga ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay Somaliland oo lagu sheegay in 286 kiis ay ka dhaceen muddo 7 bilood gudahood ah.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad ay Ardayda Jaamacada Hargeysa ku qalinjebineysay oo uu ka qeyb galay.