Wasiir Keyd oo Shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta shaqadii ka joojiyay agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cabdillaahi Ducaale.

Wasiirka, ayaa waxaa uu ku eedeeyay Agaasimaha guud in uu sameeyay Amar diiddo cad iyo wadashaqayn uu sheegay inaanu la la’hayn waaxyaha kale ee wasaaradda.

Bayqaan ka soo baxay xafiiska wasiirka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in agaasimaha guud aanu habayaraatee wax shaqo ah ka qaban karin wasaaradda ilaa iyo inta uu Madaxweynuhu xal ka gaadhayo arrinkiisa.

Arrintan, ayaa timid kadib markii agaasimaha guud uu isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradaasi, iyadoona tallaabadaasi uu si weyn uga soo horjeestay wasiirku.

No photo description available.