Xukuumadda Somaliland oo fasaxday dib-udhiska Guryaha gaarka loo leeyahay ee Suuqa Waaheen

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa fasaxday dib-udhiska guryaha gaarka loo leeyahay ee ku gubtay suuqa waaheen dhib u dhiskooda isla markaana lacag ku wareejinaysa manta dadkii guryahoodu ku gubteen dabkii  Suuqa Waaheen ku shuf belay.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa sheegay in dadka guryaha gaarka ah ku lahaa Suuqa Waaheen ee ay guryuhu kaga gubteen in ay shirar wada galeenn isla markaana ay la kulmeen guddi ay leeyihiin iskuna raaceen in guryahooda loo fasaxo oo ay dib u dhistaan.

Waxaanu intaa ku daray in  ka guddi gurmad heer qaran ahaan in ay suuqa markii hore xidheen isla markaana ay xaadheen oo qashibkii ka nadiifiyeen ka dibna ay qiimayn ku sameeyeen qasaaraha guryaha =.

Waxaanu sheegay in guryaha gaarka loo leeyahay oo dhan 221 guri in ay isugu jiraan gurto dabku waxyeello kooban uu soo gaadhsiiyay oo dib-udhisn u baahan iyo guryo shuf belay oo la duminayo.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Markii uu gubtay Suuqa Waaheen waa la xidhay waana la nadiifiyay laba qaybood ayuu ahaa dhismayaasha Suuqa Waaheen, qayb Dawlada Hoose leedahay iyo qayb Dadweynuhu leeyihiin oo ah  221 guri qaybta Dawlada Hoose maamusho waa la dumiyay. waxaanan dhagax dhigi doonaa dhismahaas bishan September bilowgeeda ayaanu bilaabi doonaa,waxa kale oo aanu si guud u samaynay bad qabka Guryaha Dadweynuhu gaarka  u leeyihiin.waxaanay isugu jiraan guryaha Dadweynuhu guryo ka badbaaday dabkii iyo guryo gubtay.waxaanay isugu jiraan guryaha gubtay laba qaybood guryo dabka gaadhay aad u xoogganaa  oo inta ka hadhsani ay noqonayso in la dumiyo iyo guryo si khafiifa dabku u gaadhay oo aan dumin ahayn,waxaanan shaacinay oo aanu  usoo bandhignay Shirkadaha in ay u tartamaan Guryaha inta la duminayo iyo inta aan la duminayn,”.

Wasiirka oo hadalkiisa wataa.wuxuu yidhi.”Waxaana ku guulaystay  Shirkad aqoonteeda leh guri guri ayay isku dultaageen  waxaaanay soo saareen in guryaha qaar yihiin qaar sii dhisnaan kara oo u baahan dib u habayn uun iyo guryo la duminayo,dadweynihii hantida lahaana way ku qanceen.waxa kale oo aanu shaacinay tartanka loo gelayo Shirkadihii dhisi lahaa guryaha Dawlada Hoose maamusho.waxaanan la kulanay dadkii lahaa  guryaha dadku gaarka u leeyihiin, waxaanan  ku nidhi guryihii waanu idinku wareejinaynaa in aad dhisan kartaan waanu idiin fasaxaynaa.cabashadoodii waanu dhegaysanay waxaanan u sheegnay in Waddooyinka dib loo dagayn oo guryaha nashqad loo sameeyay,isla,markaana hantidii aanu soo ururinay wixii aanu ugu talo galnay ee guryaha dhismahooda in lagu wareejin doono,waxaanan  ku xidhnay shuruud  ah in ay keenaan  Qandaraaska Shirkadda ay la soo galeen sidaana aanu gacanta uga galino.waxaanan la kulanay gudidii hantiilayaasha guryaha gaarka leh qaar ka mid ah ayaa hadlay waxa ay yidhaahdeen waxayagii hanaloo fasaxo.waxaanan kula ballanay  8:00 maanta Subaxnimo in dadkii hantida lahaa noogu yimaadaan Guriga Hay,adda Shaqaalaha Dawladda si qof walba gacanta aanu uga saarno  nashqadii guri walba lacag wixii aanu ugu talo galnay aanu ugu wareejino,”