Maxay ka Wadahadleen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wakiilka Bangiga Adduunka?

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Bariga Afrika iyo Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson.

Kulanka, ayaa lagaga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyaddeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diirrada lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo xoojinta hannaanka maamulka maaliyadda guud.

Waxaa sidoo kale lagaga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga ka waddo Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw ugu wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya gaar ahaan hay’addaha maaliyadda Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta ku soo dhaweeyo xarunta Wasaaradda maaliyadda, Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubnaha kale ee wehlinaayay. Waxaan ka wada hadalnay barnaamijka dib -u – habaynta maaliyadda ee socda, xoojinta dowlad wanaagga iyo mashaariicda Bangigu naga taageero ee ku aadan dib-u-habeynta iyo horumarka dhaqaalaha dalka”, ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Bangiga Adduunka, ayaa Soomaaliya siiya taageero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta hannnanka horumarinta Maaliyadda.