Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay soo jeedintii Guddiga Dhex-dhexaadinta

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo dhaweeyay talada ay soo jeediyeen guddiga isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay aqbalayaan soona dhawaynayaan soojeedinta guddida, si ay u ilaaliyaan sumcada iyo wadajirka Somaliland.

“Anaga oo rabna in dalkeena xal siyaasi ah laga gaadho, si sumcadiisa, wadajirkiisa iyo horu-socodkiisaba loo ilaaliyo oo loo dhowro, waxaanu soodhawaynaynaa soojeedinta guddida ganacsatada J. Somaliland” ayuu yidhi Khadar.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in uu taageero soojeedinta guddida, “Waxaanu ku boorinaynaa madaxweynaha iyo xukuumadaba in anay carqaladaynin ama anay fashilinin, iskudaygaa ugu danbeeyay ee ay guddida ganacsatadu isku dayayaan in arrimaha taagan xal loogu helo”.

Waxa uu sheegay in ay ka mucaarad ahaan ka warsugayaan golayaasha sharci-dejinta oo guddidu ay ku socodsiisay soojeedintooda, si ay salka ugu dhigaan sharcigii meel marin lahaa.

Weli xukuumada Somaliland kama hadal mawqif keeda ku aadan soojeedinta ganacsatada, ee odhanaysa “Ha la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada”, waxaana jira urruro dhawra oo ilaa hada ka horyimid soojeedinta guddida.