Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaallada ka Qarxay Dalka Itoobiya

Mekele (Aftahannews)- Waxaa sii xoogaystay dagaalka dib uga qarxay dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF ee maamusha gobolka Tigray, iyada oo mucaaradka ay guulo sheegteen.

TPLF, ayaa sheegtay “in ciidamadeeda geesiyaasha ah ay iska caabiyeen weerarka ciidamada dowladda, islamarkaana ay wiiqeen saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey.”

“Waxaan dhaafnay furintii dagaalka ee mucaaradka, waxaana qabsanay magaalada muhiimka ah ee Kobo oo ka tirsan gobolka Amxaarada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka TPLF.

Dowladda Itoobiya, ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka baxeen magaalada Kobo, balse waxay ku sheegtay xeelad dagaal, oo sida ay tidhi lagu badbaadinayo shacabka.

“Si looga fogaado khasaare xoog badan oo ka dhaca gudaha magaalada haddii rasaas la isku weydaarsado, ciidamada difaaca waxaa qasab ku noqotay inay ka baxaan magaalada Kobo oo ay difaac ka galaan duleedka magaalada,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay dowladda Itoobiya.

Iyada oo dagaalka uu sii xoogaystay, ayaa ciidamada dowladda Itoobiya waxay duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Mekele ee caasimadda Tigray, iyagoona ku dilay afar qof oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur. TPLF ayaa tirada dhimashada gaadhsiisay illaa toddoba.

Addis Ababa waa ay beenisay inay beegsatay goobo shacab, waxayna ku doodday in weerarada laga fuliyey goobo milateri.

Hase yeeshee weerarkaas, ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn caalami ah, iyada oo dhinacyada cambaareeyay ay ku jiraan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF iyo dowladda UK.

UNICEF waxay sheegtay in duqeynta ay ku dhacday iskuul xanaanada caruuurta ah, ayna ku dhinteen dhowr caruur ah, islamarkaana kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn, ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billowday bishii November ee 2020.  

Xabad-joojin la gaadhay bishii March, ayaa hakisay dhiiggii qubanayay, taasi oo ogolaatay in si tartiib ah gargaar loo gaadhsiiyo gobolka oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul. 

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaaradka, ayaa dhowr mar sheegay inay doonayaan inay galaan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci waayeen qodobada wadahadalladaas. 

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobollada Amhara iyo Cafar, iyada oo labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda koowaad.