Somaliland: Dadkii loo xidh-xidhay Mudaharaadkii 11 bishan oo la sii daayay

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay xabsiga ka sii deysay 49 Qof oo ka mid ahaa dadkii loo xidh xidhay mudaharaadyadii ay xisbiyada mucaaradka Somaliland dhigeen 11 bishii August.

Cuqaal iyo waxgarad, ayaa ka howlgalay siidaynta 26 qof oo ku xidhnaa xabsiga Madheera iyo 23 hablood oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Gabiley, waxaana lagu siidaayay warqad codsi ah oo cuqaashu u qoreen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabaggale.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Jaamac Bookh, oo ka qaybgalay siidaynta hablaha ku xidhnaa xabsiga Gabiley, ayaa u mahadnaqay cidkasta oo ka qaybqaadatay sii dayntooda.

Dhanaca kale, salaadiinta iyo cuqaasha ka howlgashay siidaynta dadka xidhnaa, ayaa u mahadnaqay xukuumadda iyo taliyaha ciidanka booliiska, iyo shacabka Gabiley oo ay sheegeen in ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo us oo dhaweeyeen hablaha xidhnaa.

Mudaharaadyadii 11 bishii August ee ay hormuudka u ahaayeen xisbiyada mucaaradka, ayaa waxaa ay kaga soo horjeedeen madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Arrimahan, ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyay ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaadho xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hadheeyey hannaanka doorashada ee Somaliland.