Dagaal Xoogan oo ka Qarxay Caasimadda Libya

Tripoli (Aftahannews)- Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay ka dib markii ay isku dhacyo magaalada Tripoli ku dhexmareen maleeshiyaad ka soo horjeeda Libya oo ku sugan bartamaha Tripoli.

Wararka, ayaa sheegaya in dhowr qarax oo waaweyn iyo dhawaqa rasaasta saaka aroortii laga maqlay magaalada taasi oo cabsi weyn ku abuurtay dadka shacabka ah.

Dagaalkan oo dhacay subaxnimadii hore ee Sabtida maanta, ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii todobaadkii la soo dhaafay ay magaalada Tripoli isku urursanayeen xoogaga iska soo horjeeda, kuwaas oo isku haya awoodda dalkaas, iyadoo dalka ku yaalla waqooyiga Afrika uu weli u kala qaybsan yahay maamullada iska soo horjeeda ee bariga iyo galbeedka.

Ku-meel-gaadhka dimoqraadiyadda ee dalka Libya, ayaa dib u dhacay ka dib markii doorashadii madaxtinimo ee la qorsheeyay inay qabsoonto bishii Disembar dib loo dhigay muddo aan la cayimin.

“Tani waa wax laga naxo. Aniga iyo qoyskaygu waanu seexan weynay isku dhacyada awgeed. Dhawaqa ayaa ahaa mid aad u dheer oo cabsi badan,” ayuu yidhi Abdulmenam Salem, oo deggan bartamaha Tripoli, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. “Waan soo jeednay haddii ay dhacdo inaan dhakhso u baxno. Waa dareen aad u xun.”

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka ee Liibiya oo ku aadan dagaalka oo saaka hakad galay ka hor inta aanu dib u bilaaban. Jaamacadda Tripoli, ayaa sheegtay inay joojinayso xiisadaha dagaalka awgeed.

Xiisada, ayaa sare u kacday kadib markii Fathi Bashagha, oo ay taageerayaan baarlamaanka fadhigiisu yahay bari, loo dhaariyay ra’iisal wasaare bishii Febrewary, iyadoo ay jiraan baaqyo loo jeedinayo Ra’iisal Wasaare Abdul Hamid Dbeibah, madaxa xukuumadda ku meel gaadhka ah ee fadhigeedu yahay Tripoli, si ay awoodda u dhiibaan.

Qaramada Midoobay, ayaa walaac ka muujisay ka dib markii baarlamaanka fadhigiisu yahay Tobruk uu u codeeyay in Bashagha uu noqdo ra’iisal wasaare.

Sida uu dhigayo heshiis Qaramada Midoobay ay saxeexday sanadkii hore, Dbeibah, ayaa la filayay in ay xilka wareejiso kadib doorashadii madaxtinimada ee December. Dbeibah ayaa diiday in ay dhinaceeda ka baxdo, iyada oo ballan qaaday in ay xukunka sii hayn doonto inta ay doorasho dhacayso.

Bayaan ka soo baxay GNU, ayaa lagu sheegay in iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee Tripoli ka dhacay ay ka danbeeyeen dagaalyahano taabacsan Bashagha oo rasaas ku furay kolonyo gaadiid ah oo ku sugnaa caasimada halka cutubyo kale oo taageersan Bashagha ay isugu soo baxeen banaanka magaalada. Waxay ku eedaysay Bashagha inuu ka baxay wadahadal lagu xalinayo xiisadda.

Maamulka Bashagha, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aanay waligood diidin wadahadal, isla markaana waxa ka soo baxay ay Dbeibaax diiday. Si toos ah ugama ayna jawaabin sheegashada ah in ay xidhiidh la leedahay isku dhacyada.

Warbaahinta maxalliga ah, ayaa sheegtay in guryo iyo baabuur ay waxyeello ka soo gaadhay iska horimaadka dhexmaray dagaalyahannada hoggaamiyeyaasha maleeshiyada iska soo horjeeda.

Afhayeen u hadlay ambalaasta iyo adeegyada degdegga ah ee Tripoli, Osama Ali, ayaa sheegtay in dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada mas’uul ka yihiin badbaadada dadka rayidka ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Waxa uu ugu baaqay dadka ku lugta leh in ay joojiyaan dhammaan rabshadaha.

Cali, ayaa u sheegay taleefishinka Al-Ahrar in dad rayid ah oo aan tiradooda la garanayn ay ku dhaawacmeen balse uu adeegiisa “ay ku adag tahay isu socodka”.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya, ayaa ku baaqay “in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka”, isaga oo tixraacaya “isku dhacyada hubaysan ee socda oo ay ku jiraan duqeymaha dhexdhexaadka ah ee aan loo meel dayin iyo duqeymaha culus ee xaafadaha rayidka ah” kuwaas oo ay sheegeen inay waxyeello u geysteen isbitaallada.

Safaaradda Mareykanka ee Liibiya, ayaa sheegtay inay “aad uga walaacsan tahay” isku dhacyada.